Bajamaal
Beesha BAJAMAAL: AW JAMAAL sidoo kale loo yaqaano (BAJAMAAL) waa beel ka mida beelaha oo ku dhaqan gobolka Shabeellaha Hoose Afgooye, Bariire, Awdheegle, Mubaarak. Muqdisho, Marko
waana beel nabadeed oo Beeraleey iyo Xoolo dhaqataba leh .
Beesha Bajamal asal ahaan waxeey kasoo jeedaa Carab gaar ahaan faraca binuu Umayah Binu Cabdi Shamsi Al-Qurayshii waxayna kasoo galaan aftirsiga Mucaawiya Binu Abii Sufyaan Awoowaheena Maxamed Binu Al Sadiiq oo lagu naanaysi jiray AW JAMAL ayaa waxuu kasoo hijrooday qarnigii 5 aad ee Hijriyada oo hadda laga joogo in ka badan 10 qarni ama wax ka badan 1000 sano dalka Yeman gaar ahaan gobolka Xadarmuut waxuuna kusoo degtay Magaalada Xamar gaar ahaan Xamarjajab. wax badan kuma uusan nagaanin wuxuuna usii safray kadib degmada afgooye oo markaasi ka talinaysi boqortooyadii Geladi qeybna ka noqday mudo badan aan badnayn markuu joogay ayuu wuxuu u safray meel la yiraahdo kuraale oo hada loo yaqaano raaxoole una dhaw degmada bariire meesha ayuu dagay kuna faracmay kadib markii faraciisa uu batay waxeey dageen deegaano kale sida bariire shaam nuun mubaarak afgooye iyo guud ahaan dalka iyo koonfurta soomaaliya.
Beesha Bajamaal waa beel wayn oo xadaarad leh oo caan ku ah dhulka Soomaaliyeed cirifyadiisa oo dhan qaasatan Gobolka shabeellaha hoose, Gobolka Baay iyo Bakool, Gobolka Shabeellaha Dhexe, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Gedo.
Beesha BAJAMAAL waa beel qunyar socod dagaal iyo daandaansina lagu aqoon oo inta badan beeraleey ah nabada iyo xasiloonida aad ugu dadaasha. Waa dad Ahlu diin ah Allena ku maneestay dhulalkooda qeyraad fara badan.
BAJAMAAL waxeey dagaan oo deris iyo dhul wadaagba yihiin walaalahooda Awdigil sida Geladi, Gare, Jiido waxeyna ka tirsan tahay 7da Awdigil. Beesha Bajamal waa beel Soomaaliyeed .
beesha Bajamaal deegaanka Aw dheegle iyo Mubaarak ayeey aad u dagtaa waana dad dhaqan wanaagsan oo walaaltinimo xishmad muslinimo soomaalinimo deris wanaag iyo soo dhaweynba ula dhaqma guud ahaan umada muslimiinta ah dhamaantooda.
Waxan Kala yihin
Beesha BAJAMAL:
1.XASAN XAAJI
2.CUSMAAN
3.REERO BARAARE.
References
This article "Bajamaal" is from Wikipedia. The list of its authors can be seen in its historical and/or the page Edithistory:Bajamaal. Articles copied from Draft Namespace on Wikipedia could be seen on the Draft Namespace of Wikipedia and not main one.
